DEG DEG: Wariye ka tirsanaa Shaqaalaha Shabelle oo lagu Dilay Magaalada Muqdisho

0
181

Muqdisho (Sh M Network)—Kooxo hubeysan ayaa gelinkii dambe ee maanta Wariye ka tirsan Shaqaalaha Warbaahinta Shabelle waxey ku Dileen Degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho.

Labo Ruux oo ku hubeysanaa bistooloda ayaa toogasho ku Dilay AUN Wariye C/casiis Maxamed Cali Xaaji oo ka mid ahaa Wardooneyaasha Shabakada Warbaahinta Shabelle xili uu marayay Xaafada Jiiro-garoob ee Degmada Yaaqshiid.

Wariyaha ayaa ku wajahnaa Guri uu ka degan yahay Degmada Yaaqshiid, sida qaar ka mid ah Eheldaiis ay u xaqiijiyeen Idaacadda Shabelle.

Kooxihii ka dambeeyay dilka Wariye C/casiis ayaa lagu soo waramayaa in ay goobta isaga baxsadeen.

Ugu dambeyn, Maamulka Shabakada Warbaahinta Shabelle ayaa ka tacsiyeeyay geerida naxdinta la heyd eek u timid Wariye C/casiis Maxamed Cali Xaaji.