Baydhobo – Shacabka iyo Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa Maanta oo Axad ah u diiday Shariif Xasan Sheekh Aadan in uu tago Magaalada Baydhobo ee Xarunta Gobolka Baay.
sakaal ku sugan Baydhobo, ayaa Idale News Online u sheegay in Xaaladda Magaalada ay tahay Mid kacsan, oo Wadooyinka ay Dibadbax ka dhigayaan Shacabka, oo si aad ah uga soo horjeeda Imaansha Sharif Xasan ee Magaalada, oo Maanta lagu waday inuu tago.
“Baydhobo ayaa waxaa ka dhacaya Banaanbaxyo, waxaana Wadooyinka taagan Ciidamada DFS iyo AMISOM, oo Amaanka sugaya, Dadka waxa ay kasoo horjeedaan in Sharif Xasan uu Magaalada yimaado, iyagoo ku eedeynaya in uu u socdo kala qeybinta Shacabka” ayuu yiri Wariyaha.
Diyaarad sida Shariif Xasan, ayaa ka degtay Garoonka Baydhobo, balse Shacab caraysan oo Wadooyinka taagan ayaa u diiday in uu galo Gudaha Magaalada, gaar ahaan Hotel Bakiin oo uu ka socdo Shir isaga uu wato oo uu ku doonayo in uu ku kala qeybiyo Dadka Deggan Gobolada Koonfur Galbeed.
Dhanka kale, Afhayeenka Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed Malaaq Cali Shiine, ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu ka danbeeyo waxa ka dhacaya Magaalada Baydhabo, isagoo adeegsanaya Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Baydhobo waxaa ka socda Shir ay Dowladda Federaalka Gadaal ka riixayso, oo lagu doonayo in lagu dhiso Maamul aysan Dadka rabin.
Idale News Online – Xafiiska Baydhabo Janaay.