DEG DEG : Ra’iisalwasaaraha dalka oo gaaray Baydhabo Janaay.

0
223

Ra’iisalwasaaraha Dalka Mudane Cabdi weli Shiikh Axmed Maxamed ayaa Salaadii casir markii laga baxay gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Waxa la sheegay in Ra’iisalwasaaraha uu uyeeray Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo isaga iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari ay halkaasi hore ugu sii sugnaayeen.

Seddexda mas’uul ee ugu sareysa dalka ayaa hadda wada joga magaalada Baydhabo oo xasarad ka dhalatay dad wada dhashay oo hadana siyaasad isku haya ay magaaladaasi ku heysato iyadoo laga dhursugayo waxa madaxdaan ay kala yimaadaan Baydhabo.

Dr Cabdi Weli Shiikh ayaa waxa hadda uu kusugan yahay xarunta Meliteriga ee laga xukumo gobollada Bay,Bakool iyo Gedo ee Baydhabo ku taalla halkaasi oo labada mas’uul ay halkaasi hore usi deggeen ra’iisalwasaaruhuna uu halkaasi isna dagey.

Faah faahino wixii kasoo kordho qadiyada ka taagan Baydhabo dib kala socda insh allah.

breakingIdaleNews

Idale News Online, Baydhaba.