Muqdisho: Xildhibaan C/llaahi Dheere oo ka tirsan Baarlamaanka Banadir State ayaa Saxaafadda uga warbixiyay falka ay ciidamada nabad sugidda Dowladda kula kaceen, isagoona sheegay in si sharci darro ah lagu xiray laba xubnood oo ka tirsan maamulka Banadir State, isagoo sheegay inay ciidamada kula kaceen tacadiyo ka baxsan bani’aadaminimada.
Anigu ma garanayo waxa Dowladda Federaalka ay ku diidan tahay in dadka gobolka Banadir degan ay aayahooda ka tashadaan” ayuu yiri Xildhibaan C/llaahi Dheere oo sheegay in madaxda sare ee Dowladda ay taageerayaan maamullada kale ee gobolada dalka ka dhisan.
Waxaa kale oo uu sheegay Xildhibaanka ka tirsan Baarlamaanka maamul goboleedka Banadir State in madaxda Dowladda ay hadda ku sugan yihiin Baydhaba, kuwaasi oo dhex dhexaadinaya labada maamul goboleed ee iska soo horjeeda.
Dhinaca kale Xildhibaan C/llaahi Dheere ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka inay si degdeg ah ku sii daayaan xubnaha maamulkooda isla markaana xorriyadooda dib ugu soo celiyaan, wuxuuna sheegay in maamulkoodu qabanqaabinayo dibadbaxyo ka dhan ah ciidamada nabad sugidda Dowladda oo si sharci darro ah ku xiray laba ka tirsan maamulka Banadir State.
Idale News Online, Muqdisho.