Baydhabo(INO)-Wararka Goor dhow na soo gaarey ayaa sheegaya in madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Uu soo dhameystirey Gollahiisa wasiirada.
Ilaa iyo haantan waxaa nasoo gaarey Wasiirada ugu culus oo la magacaawey, ayadoona siyaasiin caan ah ka soo muuqadey Gollaha Wasiirada koonfdur Galbeed Soomaaliya
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif xasan ayaa U Go’aamiyey inuu ahaado wasiirka wasaarada Xanaanada xoolaha dhirta iyo Dhaaq ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Ex. Madaxweynii hore ee maamulkii lIxda Gobol Mudane Madoobe Nuunow Maxamed.
Wararka Kale Waxa ay sheegey in siyaasiga weyn oo ka tirsanaa Jabhadii Xaq u dirirka ahayd ee RRA Cabdillaahi Black loo magacaawey wasiirka Wasaaradda Cirka iyo Dhulka.
Waxii ku Soo kordho kala Soco idale News Online,