Daawo: Wasiirkii Labaad Ee Ka Tirsanaa Somaliland Oo Is Casilay

0
196

Hargeysa(INO)-Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ayaa ku waramaya in uu is casilay wasiirkii Warshadaha Somaliland Abiib Diiriye Nuur, kaasi oo noqonaya wasiirkii Labaad ee is casila Todobaad gudahiisa.

Wasiirka-Warshadaha

Wasiirka oo maanta saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in xilka wasiirka Warshadaha maamulka Somaliland uu iska casilay, waxaana Abiib uu horay usoo qabtay xilka wasiirka Warfaafinta.

Is casilaadaan ayaa keenaysa khilaaf xilligaan ka dhex aloolsan xukuumadda uu hogaamiyo Axmed Siilaanyo ee maamulka Somaliland, waxaana sidoo kale khilaafkaan uu ka jiraa Xisbiga Kulmiye ee iminka Talada Haya.

Halkan Ka Daawo.

Siilaanyo ayaa dhawaan soo saaray wareegto uu isku shaandheyn ku sameynayo wasiirada maamulkaasi, qaarkood shaqadii ayaa laga diray,halka kuwa kalena isbedallo lagu sameeyay, sidoo kale wareegtadaasi ayaa isbedallo lagu sameeyay Agaasimayaasha iyo taliyaasha ciidamada maamulka Somaliland.

Tani ayaa imaanaysa xilli muddo haatan laga joogo Seddax maalin uu xilka wasiirka Waxbarashada Somaliland uu iska casilay Cabdicasiis Samaale oo kahor isku shaandheynta ahaa wasiirkii Maaliyadda.

Idale News Online, Hargeysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here