Marko(INO)- Wararka ka imanaya Magaalada Marka ee Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa sheegaya in caawa Magaaladaasi lagu dilay nin ganacsade ahaa, iyadoo dilka ka dibna ay baxsadeen kuwii dilay.
Ganacsadaha oo lagu magacaabi jiray Xuseen Maxamed Axmed, ayaa waxaa uu ceel biyood uu ku haystay xaafadda Obasiibada, waxaana uu xilliyada qaarkood uu biyaha ka iibin jiray Ciidamada Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose ku sugan.
Rag bistoolado ku hubeysnaa, ayaa waxay ganacsadaha ku toogteen, oo ay ku dileen xaafadaasi, iyagoo dhawr xabadood kaga dhuftay qaybaha kore ee jirkiisa.
Dembiilayaasha oo lala xiriirinayo Ururka Al Shabaab, ayaa waxay dilka ka dib ka carareen goobtii ay falka ka gaysteen, mana jirin cid la sheegay in ay ku baxday.
Dhanka kale Xuseen Maxamed Axmed, ayaa hadda ku magacawnaa Gudoomiye Ku Xigeenka Maamulka Degmada Marka ee Dhinaca Qorshaynta & Dib U Dhiska, waxaana sanadkii hore soo magacaabay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Madaxa Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose, Cumar Maxamuud Cilmi (Cumar Carabey), ayaa sheegay in marar badan ay Shabaabku u hanjabeen marxuumka, ugu dambeena ay caawa dileen.
Cumar Carabey oo la hadlay Warbaahinta, ayaa mintidiinta Al Shabaab ku eedeeyay inay caqabad ku yihiin hannaanka dowladnimo, si dalka oo idil loogu baahiyo.