Dhageyso: Salaad Cali Jeelle Oo Si Ba’an u weeraray Xasan Sheekh

0
162

Muqdisho(INO)- Siyaasiga Salaad Cali Jeele, ayaa weerar afka ah ku qaaday Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, kaasoo uu ku eedeeyay in uu abuurayo kacdoon shacab oo dalka ka dhaca.

Salaad Cali Jeele, ayaa Madaxweynaha ku dhaliilay in kacdoon yaan la samaynin uu ugala jeedo kacdoon dadweyne hala sameeyo, si dhibaato u dhacdo, Xafiiska Shaqadana uu ugu sii nagaado.

“Madaxweynihii hore wuxuu muujiyay inaanu diyaar u ahayn inuu banneeyo Villa Somalia, kacdoon yaanan la samaynina wuxuu uga jeedyaa, kacdoon hala sameeyo, si dhibaato ay dhacdo.” Ayuu yiri Salaad Cali Jeele.

Salaad Cali Jeele, ayaa yiri “Dagaal ayuu iclaamiyay marka taasina waxay ka dhigan tahay doorasho dhici mayso, meeshana bannayn maayo, yaynaan hawo idinka gelin inuu is bedel dhaco, oo dadban, sirbeeban, muuqato waaye.”

Isagoo la hadlaayay Idaacadda Shabelle, ayuu yiri “Marka taasina ma dhaceyso, wixii masuuliyad darro ah oo ka yimaadana haddee isagaa ugu baaqay shacabka oo dareensiiyay, inay tahay inaanu meesha banaynayn.”

Siyaasiga Jeele, ayaa yiri “Khasab wuxuu kaga dhigay shacabkii awalba arrinta ka yaabanaa doorashada siduu isu hor istaagay inuu uga jeedyo, sidii Dowladdii Militariga ahayd sideeda oo kale yaan kacdoon la samaynin waxay ka dhigan tahay dagaal sokeeye in la’igaga qaado maahee, si kale meesha ku wareejin maayo. Marka masuuliyadaasna isaga ayay hadda wixii ka dambeeyo saaran tahay.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Khamiistii ku baaqay in dulqaad loo muujiyo Dowladda Federaalka, haddii uu khaladaad ka dhaco, iyadoona uu ka digay in dareenka shacabka la kiciyo.

Madaxweyne Xasan, ayaa soo hadalqaaday in Dowladdii Dhexe Militariga lagu riday kacdoon dadweyne, taasoo Somaliya u horseeday dowlad la’aan, sida uu yiri.

Halkan Ka Dhageyso