DEG DEG: Diblomaasiyiinta Iiraan ee Muqdisho ku sugan oo 72-saac loo qabtay inay dalka uga baxaan

0
244

 Muqdisho(INO)— War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Diblomaasiyiinta Iiraan ee ku sugan magaalada Muqdisho laga codsaday inay dalka uga baxaan muddo 72-saacadood, kadib go’aankii Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ee xiriirka loogu jaray dowladda Iiraan.

Sii hayaha Safaaradda Jamhuuriyadda Islaamiga ee Iiraan ee Muqdisho Javad Dehghan Lotfabadi ayaa lagu wargeliyay inuu dalka ka baxo isaga iyo Diblomaasiyiinta kale.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay timid kadib baaritaan dhab ah oo la sameeyay , laguna ogaaday in Iran ay ka fulineysay Soomaaliya howlo qalqal gelinayay amniga,deganaanshaha ,wadajirka iyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed.

Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ugu baaqday Iiraan inay xushmeyso madax banaanida dowladaha, isla markaana joojiso faragelinta gudaha, ilaalisana qawaaniinta , heshiisyada caalamiga ah iyo cahdiga Vienna ee xiriirada diblomaasiyadeed.

Sii hayaha Safaaradda Jamhuuriyadda Islaamiga ee Iiraan ee Muqdisho Javad Dehghan Lotfabadi 

Soomaaliya ayaa ku biirtay dalalka Jabuuti, Sudan iyo Baxreyn oo xiriirka u jaray Iiraan, kadib markii la weeraray Safaaradda Sacuudiga ee Tehran, waxaana dowladaha xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta ay garab istaag u muujiyeen dowladda Sacuudiga oo khilaaf xoogan kala dhaxeeya Iiraan

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here