DEG DEG+ Dhageyso: Diyaarado Hub iyo Ciidan Sida oo gaaray Ceelbarde

0
230
Ceelbarde (INO) – Iyadoo Dhawaan Maamul Cusub looga dhawaaqay Degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool kaas oo la Magac baxay Bakool Sare ayaa warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in Diyaarado Ciidan iyo Hub sida ay halkaas ka dageen.
Diyaaradahaan oo sida Hub iyo Ciidan gaaraya illa 180 Askari ayaa la sheegay in ay ka soo ambabaxeen Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose sida uu Shabakadda Warbaahinta Gudaha dalka u xaqiijiyay Col Cabdiwahaab Cismaan Aadan.Col Cabdiwahaab Cismaan Aadan oo ka tirsan Saraakiisha dowladda Federaalka Soomaaliya ee Jubbooyinka ayaa xusay in looga golleeyahay sida ay ku heleen Macluumaadka sidii Dowlada Koofur Galbeed looga hor istaagi lahaa in ay yimaadaan degmada Ceelbarde, yeed iyo goobaha kale ee Maamulkaan la Magac baxay Bakool sare uu ku Magacaaban yahay.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa soo ifbaxayay Khilaaf xoogan oo u dhexeeya Maamullada Jubbland iyo Koofur Galbeed iyadoo dib loo dhigay shirka Higsiga 10-ka Bishaan la filyay in uu ka dhaco Kismaayo maadaama khilaafka uu sii xoogeystay , Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Koofur Galbeedna uu diiday in uu tago Kismaayo.
Halkan Ka Dhageyso

 

Ugu dambeyntii, Maamullada Jubbaland iyo Puntland ayaa u ololeeya in Higsiga 2016 lagu saleeyo deegaanka iyadoo aan la ogeyn taageerida jubbaland ee maamulka la Magac baxay Bakool Sare in ay ka mid tahay Ololahooda ku saabsan arrimaha deegaanka in wax lagu soo doorto.

Xafiiska Warqabadka Idale News Ceelbarde.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here