DEG DEG: Cabaas Siraaj Oo Ku Guuleystey Kursiga Aqalka Hoose Ee Beesha Hubeer Ee Jubbaland

0
197

Baydhabo(INO)- Waxaa  Magaalada Kismaayo Ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ka soconaya doorashada Aqalka Hoose Ee BFS 2016, Isla markaana waxa Goordhow Cabaas Siraaj  uu Ku guuleystey Kursiga Beesha Hubeer  oo yaala Jubbaland.

Wuxuuna cod qablabiyad ah kaga adkaadey Maxamuud Cabdi Xasan (PEKOS) , oo hada ah Wasiiru Dowladaha wasaarada Warfaafinta iyo Dalxiiska Ee DFS, isagoona sidoo kale 12 sano soo haayey Jagada Xildhibaanimada Beeshan.

Mudane Cabaas Siraaj Ayaa Heley 42, Halka  Maxamed Cabdi Xasan Pekos uu heley 9cod.

Wixii kasoo kordha doorashada Aqalka Hoose ee ka socota Magaalada Kismaayo waxaad kula socon doontaan wararkeenna soo socda haddii ALLE ogolaado.