Hillary Clinton oo ku eedeysay guuldaradii ka soo gaartay doorashada Agaasimaha FBI-da

0
192

NY(INO)— Hillary Clinton ayaa ku eedeysay guuldaradii ka soo gaartay doorashada Agaasimaha FBI-da James Comey, kaasoo shaaciyay maalmo ka hor xilliga doorashada inuu dib u furayo baaritaanka ku aadan emailada ay isticmaali jirtay Ms Clinton, xilligii ay aheyd Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Ms Clinton oo qadka taleefanka kula hadleysay taageerayaasheyda iyo dadka maalgeliyay xisbigeeda ayaa sheegtay in baaritaanka uu shaaciyay Agaasimaha FBI-da inuu dhaawac weyn u geystay ololahooda doorashada.

Dad badan ayaa aaminsan in baaritaanka cusub ee uu shaaciyay Agaasimaha FBI-da inay keentay in malaayiin ruux oo taageerayaal ah inay ka weecdaan inay u codeeyaan Hillary Clinton.

Hase ahaatee James Comey ayaa labo maalmood ka hor xilliga doorashada Mareykanka waxaa uu mar kale shaaciyay in lagu waayay wax dambi ah Hillary Clinton.

“Tani waa waxyaabaha sababay in aanu guuleysan ololaheena doorashada”ayay tiri Hillary Clinton oo taageerayaasheyda iyo dadka maalgeliyay xisbiga Dimoqraadiga la hadleysay.

Hillary Clinton oo aad loogu saadaalinayay inay ku guuleysaneyso doorashada Madaxweynaha, isla markaana Aqalka Cad kala wareegeyso Barack Obama ayaa mar kaliya is bedeshay saadaashaas, kaddib markii ninka ka soo horjeeday Donald Trump uu si layaab leh uga guuleystay.

Dhinaca kale Banaan baxyo ka dhan ah Donald Trump ayaa ka socda magaalooyin ku yaala Mareykanka, waxaana banaan baxyada ay socdaan habeenkii saddexaad.