Dawladda Soomaaliya ayaa shaacisay inay wax ka ogayd duqayntii diyiraahada an duuliyaha lahayn ee Maraykunka ay la beegsadeen Hogaamiyayaasha Sare ee ururka Alshabaab.
Afhayeenka dawladda fedaraalka Soomaliya,Ridwaan Xaaaji Cabdiwali, ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya ay duqeentii Maraykanka wax ka ogayd, ujeedka duqeentaas na ay ahayd in la dilo masuulka ugu sareeya Ururka Alshabaab.
Golaha wasiirada dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweyay duqaynta Maraykanka uu la beegsaday Hogaamiyayaasha Ururka Alshabaab, isla markaana ku tilmaaamay Talaabo wanaagsan oo uu Maraykanku qaaday.
Dawladda Soomaliya oo dagaal adag kula jirtaa ururka Alshabaab aya u aragta fursad qaali ah duqaymaha Diyraaadaha Maraykanku ay la beegsadaan Ururka Ashabaab.
Hadalka kasoo yeeray Xukuumada Soomaliya aya kusoo aadaya xili dhawaan Maraykanku uu qirtay duqayn ay la beegsadeen Hogaamiyaha Sare ee ururka Alshabaab Axmed Cabdi Godane oo soomaalidu u taqaan Abuu Zubeyr.
Idale News Online, Baydhabo Janaay.