Wariyahaan lagu magacaabo Steven Sotloff ahaana Saxafi madax banaan ayaa udhashay dalka Mareykanka waxaana muuqaal ay Kooxda Daacish soo geliyeen bogga Youtube-ka lagu arkay wariyahaasi oo khudbad ujeedinayey ehelkiisa kadibna la gowracayey ama la qoor gooyey.
Steven Sotloff oo ahaa 31 jir ayaa lagu afduubtay sanadkii 2013-kii dalka Siiriya waxaana isagoo gishan dhar oranji ah la arkay muuqaalka lasoo duubay oo nin masgaraati ah (Wajiga soo qarsaday) gacanta bidixna ku heysta Mindi kadibna uu qoor gooyey.
Inkastoo marka la gowracayo aan lasoo bandhigin hadana waxa la sheegay in la gowracay wariyahaasi xilli labo todobaad ka hor la gowracay wariye lagu magacaabi jiray James Foley oo isna gacanta Kooxda Daacish Siiriya ku baxay.
HALKAAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA WARIYAHA LA GOWRACAY KA HOR UU HADLAY
HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA TV-GA SKY NEWS KA DIYAARIYEY DILKA SOTLOFF