Muqdisho(INO)– Dawladda China ayaa qorsheynaysa in ay todobaadkan bilowgiisa udirto Dalka yar ee Jamhuuriyada Jabuuti ee bariga Africa khuburada dhisi doonta saldhig weyn oo Milatari oo ay dawladdaas ka dhisan doonto Africa.
Madaxweynaha Jabuuti Ismail Omar Geelle ayaa kudhawaaqay in talaabadan ay tahay mid gobalka oo dhan macne weyn ugu fadhida, wuxuuna tilmaamay in saldhigan uusan qabaneyn oo kaliya dhanka Milatariga balse ay gargaar deg deg ah siin doonan wadamadii musiibooyin kudhacaan.
Shiinaha ayaa 10-kii sanno ee lasoo dhaafay kordhiyey joogitaankiisa Qaarada Africa, waxaana uu marar badan balan qaaday kor uqaadida ganacsiga Qaarada.
Shirweynihii ugu dambeeyey ee dhexmaray dawladda Shiinaha iyo Hogaamiyasha ayaa laysku racay dhismaha wadooyin iyo kaabayaal dhaqaale oo lagu caawin doono Qaarada Africa.
Maalgalinta dawladda Shiinaha waxaad ku arki kartaa hadaad booqatid dhismaha ay ku kulmaan Madaxda Africa ee kuyaala magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.
Sidaas oo kale dalal badan ayaa faa’iido badan ka hela maalgalinta dawladda Shiinaha, waxaana ka socda wadamada bariga Africa gaar ahaana Kenya,Ethiopia,Jabuuti iyo Uganda mashaariic waa weyn oo qeyb ka ah horumarinta wadamada Bariga Africa.
Hogaamiyasha wadamada bariga Africa ayaa u arkaya joogitaanka cusub ee dawladda Shiinuhu uu yahay muhiimad weyn oo ay heleen wadamadan oo horay xariir wanaagsan uu kala dhaxeyo dawladdaha Reer galbeedka.
Idale News Online, Muqdisho