Awdheegle (INO) — Weerar Al shabaab ay ku qaadeen Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha ayaa u suurta gashay inay ka saaraan Ciidankii Militariga Dowladda, ee Degmadaasi ku sugnaa Dagaalka Dhiig ku daatay kadib.
Ugu yaraan 9 Askari oo Militariga DFS ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen Weerarka oo dhacay Xalay Saqdii Dhexe, waxaana Saakay Degmada ku waarebiistay Al shabaab oo maamulaysa, sida Dadka Deegaanka ay Idale News Online u sheegeen.
Degmada Awdheegle, waxay 75Km dhanka Galbeed u jirtaa Magaalada Muqdisho, ee Caasimadda dalka Soomaaliya. Ciidankii Militariga ee laga saaray Degmada waxay hadda isku aruurinayaan Degmada Janaale, oo ku dhaw Magaalada Marko, ee xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.
Deegaanka Mubaarak ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa inay Al shabaab la wareegeen.
Bishii Maarso Ciidanka AMISOM ayaa si lama filaan ah uga baxay Degmada Awdheegle & Mubaarak, taasina waxay u sahashay Al shabaab inay dib ula wareegaan, oo ay ka awood roonaadaan Ciidanka DFS.
Idale News Online – Xafiiska Afgooye