Kismaayo (INO) — Hogaamiyahaa Maleeshiyada Raas Kambooni Axmed Madoobe ayaa billaabay inuu caburiyo Saxaafadda Madaxa-banaan ee ku howlgasha Gobolada Jubbooyinka.
Axmed Madoobe ayaa soo saaray Waqad Digniin ah oo uu ugu hanjabay Wariyaasha & Mulkiiliyaasha Idaacadaha Kismaayo inuu xiri doona Qofkii tabiyo Wararka ku saabsan Dhibaatooyinka Maleeshiyadiisa Shacabka u geysanayaan.
Wariye ku sugan Kismaayo, oo magaciisa qirayay Sababo amaan ayaa Idale News Online u sheegay in aan loo ogoleyn inay sheegeen Waxyaabaha ka dhacaya Magaaladaasi, sida Qarax, Dil ama Kufsi ay geesteen Maleeshiyada Axmed Madoobe.
“Axmed Madoobe afka ayuu na qabtay, wuxuu noogu hanjabay ciqaab adag & Dil haddii aan Caalamka u tabino Wararka Gobolada Jubbooyinka, gaar ahaan Dagaalada & Qaraxyada,” ayuu yiri Wariye ku sugan Kismaayo.
Kismaayo wuxuu sheegay in Maalin/Habeen kasta ay ka dhacaan Tacadiyo & Dilal Shacabka loo geysanayo, balse Wakiiladda Warbaahinta ma awoodaan inay Xaqiiqda sheegaan.
Idale News Online – Xafiiska Kismaayo