Dawladda Burundi Oo Kudhawaaqday In Lafashiliyey Afgambi Ay Wadeen Ciidamada Dalkaasi

0
242

Bujanbura(INO)-Afgambigii ka dhacay dalka Burundi ayaa fashilmay sida ay saaka ku dhawaaqeen saraakiisha ugu sarreysa ciidamada Burundi, waxaana ka baxay dhamaanba meelihii ay qabsadeen Ciidamada uu hogaaminayay Jeneraal horey uxukumayay Taliyaha Nabadsugida dawladda.

burundi

Madaxweynaha Burundi Pierre Nkurunziza ayaa dib ugu laabtay dalkiisa, iyadoo ciidamadiisa ay ku dhawaaqeen inay si buuxda u maamulaan meelaha muhiimka ee Caasimada Bujumbura, kadib dagaalo cukua oo ka dhacay dalkaas.

Mr, Nkurunziza ayaa la sheegay in uu Dadweynaha lahadli doono maanta, isagoo kudhawaaqi doona qorshayaal wax looga qabanayo Ciidamaadii afgambiga ka shaqeeyey.

Raadyah dawladda iyo Garoonka Diyaaradaha ee caasumada Bujumbura ayaa ka xaqiijiyey in ay hada  gacanta kuhayaan ciidamada Burundi ee taageersan Madaxweyne Nkurunziza.

Sid muuqata Saraakiisha Afgambigu kq fashilmay ayaa ka baxay meelaha muhiimka ah, waxaana ninka hogaaminayay uu yahay Jeneraal horey uxukumayay Sirdoonka Burundi, iyadoo warar soo baxayaa ay sheegayaan in uu kabaxay caasumada iyo meelaha udhaw, isagoo cabsi ka qaba in la xiro.

Idale  News Online, Bujabura

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here