Muqdisho(INO)-Xukuumadda Federalka Somaliya, ayaa waxay markii ugu horeysay ay shaacisay inay dalka keeneyso qalab casri ah, isla-markaana lagu ogaan karo qof kasta oo dembi geysta.
Ridwaan Xaaji C/weli, Afhayeenka Xukuumadda Somaliya, ayaa daaha ka rogay in qalabkaasi uu laamaha ammaanka ka caawin doono ogaanshaha dadka eedeymaha loo heysto.
Afhayeenka oo galabta shir jaraa’id ku qabtay Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia, ayaa cadeeyay in Golaha Wasiirada ay dood ka yeesheen qalabkaasi, isla-markaana ay isku raaceen in dalka la keeno.
Ridwaan Xaaji C/weli, ayaa qeexay in qalabkaasi ay adeegsato dunida horumartay, haddii dalka la keenana ay sahlanaan doonto ogaanshaha dadka dembiile-yaasha ah, sida uu yiri.
Ridwaan, ayaa ka gaabsaday goorta ay suurta gal noqon karto in qalabkaasi la keeno Somaliya, marka laga soo taggo in Xukuumaddu keeni doonto dalka.
Sidoo kale maanu kala cadayn dalka laga keeni doono qalabkaasi iyo cidda Xukuumadda ka caawineysa, in markii ugu horeysay la keeno Magaalada Muqdisho.
Hay’adaha ammaanka ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa marar kala duwan lagu eedeeyay inaanan lagu kalsoonaan karin baaritaanada ay sameeyan, bacdamaa dad badan oo dacwado, ay ku soo ogayn lagu tilmaamay wax Cadaaladda ka fog.
Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa lagu xantaa in xabsiyadeeda qaarkood, ay ku jiraan dad aan dembi lahayn, isla-markaana u xiran arrimo siyaasadeed.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Muqdisho