Dalka Jabuuti oo maanta u dareeray doorashada Baarlamaanka

0
193

Shacabka dalka Jabuuti waxaa saaka ay u dareereen goobaha codbixinta iyagoo soo dooranaya xildhibaanada baarlamaanka dalkaas oo ka kooban 65 kursi.

Kuraasta baarlamaanka 10 kursi mooye inta kale waxaa heysta isbahaysiga talada haya ee MRD waxana uu xisbigaas rajeynayaa in uu ku guuleysto kuraas ka badan inta uu haatan haysto.

Doorashooyinkii hore ee Baarlamaanka Dalka Jabuuti ayaa horay waxaa cabasho ka qabay kooxaha mucaaradka oo marwalba ku eedeeya xisbiga talada haya inuu ku shubtay doorashada.

65-ka xildhibaan ee loo tartamayo 35-xildhiban oo ka mid ah waxa ay kasoo bixi donaan caasimadda Jabuuti halka 30-ka xildhibaan ee kalana laga soo dooran doono afarta gobol ee dalka.

Dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay ayaa waxaa ka socday dalka Jabuti olole ay xildhibaanada Baarlamaanka ugu jireen siii ay u heli lahaayeen codadka shacabka.