Topnews:Wasiirka Ganacsiga Maareeye oo u Digey Dowlada Federalka Soomaaliya

0
218

Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha xukumada Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ka digey in dowlad mucaarad ku ah Somaliland Muqdisho laga dhiso waxana uu ku taliyay in lala galo Somaliland wadahadalo isfaham iyo wax wadaqeybsi ku salaysan.

Maxamed Cabdi Maareeye Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa sheegay in isagu uu yahay shaqsi matala shacabka Somaliland haddii la isku dayo in la qiyaaneeyo wadahadalada lala galayo Somaliland inuu isaga tegeyo dowlada federalka balse ma sheegin inuu ku biirayo maamulka Somaliland.

Maareeye oo ka mid ah xildhibaano ka soo jeeda maamulka Somaliland balse lagu soo doortay magaalada Muqdisho ayaa warkan ka soo yeeray waxa uu ku soo beegmay iyadoo dhowaan maamulka Somaliland uu cafis u fidiyay Maxamed Cabdulaahi Oomaar oo hore uga soo noqday dowlada Federalka Wasiirka Arrimaha Dibada.

Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa waxaa haatan ay wajahaysa culeys xoog leh oo kaga imanaya sidii loo qaba.n lahaa doorashada qof iyo cod oo ay sheegtay in ay ka dhacayso dalka Soomaaliya sanadka 2020.