Wednesday, March 26, 2025
Home Idale Somali News Update Al-Shabaab oo lagu dilay howlgal ka dhacay Jubbada hoose

Al-Shabaab oo lagu dilay howlgal ka dhacay Jubbada hoose

0
177

Duqeyntan oo ay geysteen Diyaaradaha dagaalka Maraykanka ayaa lala beegsaday Mooto Bajaaj ay saarnaayeen Shan Xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab,halka labada kalana ay ku dhaawacmeen weerarka, kuwaas oo kusii jeeday Degmada Jamaame.

19-Kii Bishan ayay ahayd markii ay Diyaaradaha dagaalka Mareykanka duqeyn ka geysteen meel ku dhow Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada dhexe, halkaasoo ay ku dileen Malleeshiyaad ka mid ahaa Al-Shabaab.

Ciidanka Milliteriga Soomaaliya qaybta Danab iyo Xoogagga nabad ilaalinta AMISOM oo kaashanaya kuwa NATO ayaa indhawaalaba howlgallo xagga Cirka iyo Dhulka ah ka waday degaanno ka tirsan koofurta Soomaaliya.