Ilaa 7 ka tirsan Maleeshiyaadka u dagaalama Kooxda Al-shabaab ayaa lagu soo waramayaa in lagu qabtay Dagaal ka dhacay Deegaanka Ceel-lahelay ee Gobolka Galgaduud.
Maleeshiyaadka ayaa la sheegay in la qabtay ka dib markii Ciidamada AMISOM ee ka socda Dowladda Itoobiya iyo kuwa Milatariga Soomaaliya ay Al-shabaab Deegaankaasi kula dagaalameen.
Xuseen Cumar oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Milatariga Soomaaliya ayaa Warbaahinta u sheegay in Ragaan ka tirsan Shabaab Gacanta lagu hayo iyaga iyo Hub koodii.
“Maleeshiyaadkaan Ciidamada ay qabteen wey wareereen dagaalku markuu dhacay meel ay aadaan ayey garan waayeen sidaa ayaa Gacanta loogu dhigay”ayuu yiri Sargaalkaan u hadlay Milatariga.
Ciidamadda Milatariga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa Maleeshiyaadka Al-shabaab kala wareegay Deegaano farabadan oo ka tirsan Gobolka Galgaduud,waxaana Howlgalka kuu qeyb ka yahay kan dalka looga saarayo Al-shabaab.
Idale News Online – Xafiiska Baydhabo Janaay.