Col. Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale), oo kamid ah Siyaasiyiinta halganka ugu jira Hogaaminta Gobolada Jubbooyinka ayaa sheegay in Heshiiskii & Tanaasulkii uu dhawaan sameeyay ay ahaayeen kuwa lagu qasbay.
Barre Hiiraale, oo Shir Jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa wuxu sheegay in markii uu arkay in Dowladaha Deriska, IGAD & Beesha Caalamka aysan Dhexdhexaad ka ahayn Arrimaha Soomaaliya uu go’aansaday inuu u tanaasulo Danta dalka.
Wuxuu carabka ku dhuftay Maxa’ed Cabdi Afey, oo uu ku tilmaamay inuu kamid yahay Shaqsiyaadka kala qeybinaya dalka Soomaaliya, ee u adeegaya Danaha Qabiilkooda, isagoo markii ula jeeda Axmed Madoobe oo ay isku Heeb yihiin.
Col. Barre markii uu yimaaday dhawaan Muqdisho waxa uu kulan la qaatay qaar kamid ah Madaxda DFS, gaar ahaan Ra’iisul Wasaare C/wali Sheekh Axmed.
“Ciidanka Kenya ayaa xoog iga sooo saaray Kismaayo 2013, Waxaa ka mas’uul ahaa taasi Maxa’ed Cabdi Afeey oo wata Axmed Madoobe, doonaya in Qabiilkiisa uu ka taliyo Jubbooyinka, IGAD isaga ayay usoo dirtay Soomaaliya, balse ma ahan Nin dhexdhexaad ah,” ayuu yiri Barre.
Barre Hiiraale waxa uu mudo Hal Sano kabadan ku sugnaa Deegaanka Goobweyn, oo 18Km u jira Kismaayo waxaana halkaasi dhawaan ugu tagay Wafdi ka socda DFS, IGAD & AMISOM kuwaasi oo kasoo dhaadhiciyay inuu Muqdisho yimaado oo fara kala baxo Maamulka Axmed Madoobe.
Idale News Online – Xafiiska Baydhabo Janaay.