Iyadoo todobaadkii labaad uu ku sii siqayo dagaalka iyo colaada ka taagan dalka koonfurta Suudan, ayaa dunidu ka argagaxday, warar dhiilo leh oo ka imanaya dalkaas, kaas oo sheegaya in xasuuq iyo isir tir uu ka dhacay degaanada lagu dagaalamay ee magaalooyinka Bor iyo Juba, waxaana la helay oo markii ugu horaysay la ogaaday xabaalo wadareedyo dad badan lagu wada aasay, kuwaas oo sida la filayo la xasuuqay.
Dhinaca kale mid kamid ah janaraalada ciidamada koonfurta Suudan ayaa ka goostay dawlada kuna biiray, mucaaridka, waxaana dagaalku ku fiday ilaa shan gobol, Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ciidamo dheeraad ah ay deg deg ugu dirayso halkaas, waxa kale oo aan wali guul gaarin waan waantii Afrikaanku waday iyo baaqyadii caalamka.
Idale News Online.