Dagaal U Dhaxeeya Gal-Mudug iyo Puntland Oo Ka Socoda Magaalada Galkacayo

0
184

Gaalkacyo (INO)- Wararka Idale News ay ka heleeyso magaalada Gaakacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi waabarigii saakay uu ka dhacay dagaal dhaxeeyay ciidamada Puntland iyo kuwa Gal-Mudug.

Wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in dagaalkani ay soo qaadeen Maleeshiyaad ka tirsan dhanka Gal-Mudug.  Dagaalka ayaa hadda waxa uu ka socdaa xaafada Garsoor ee Magaalada Gaalkacyo waxaana la maqlayaa daryanka rasaasta noocyadeeda kala duwan.

Qof goobjooge ah ayaa shabakada Idale News la hadley ayaa u sheegtay in dagaalka uu hadda socdo islamarkaasina aanay sheegi karin qasaaraha dagaalkaasi

Tan iyo markii uu diyaarada Mareykanka uu duqeynta u geestey tuulada Jeedxin ee maamulka GalMudug, waxaa soo baxaayey eedeymo uu maamulkaasi u jeedinaayey Puntland iney iyagu siiyeen xogta weerarka waxaana maalmihii ugu dambeeyey jirey xiisado kacsanaan ah oo u dhaxeeysay ciidamada Puntland iyo kuwa Gal-Mudug

Faah Faahinta Warkaasi kala soco Idale News Online  Insha allah.

Idale News ONline, Gaalkacyo.