Idale News (INO) – Xog hordhac ah lagu kalsoonaan karo oo ay heshay shakada Idale News Online, kuna saabsan xubnaha la filaayo iney ka mid noqdaan aqalka sare, kana imaan doona maamulada Jubaland iyo Puntland kuwaasoo maalinta beri la filaayo in la shaaciyo ayaa waxa xubnhaa ugu cad cad magacyadooda laga xusi karaa :
Dowlad Goboleedka Jubaland – 8 xubnood:-
- C/laahi Sheekh Ismaaciil “Fartaag”, madaxweyne ku xigeenkii hore ee maamulka Jubaland, – Mareexaan
- Prof Maxamed Cabdi “Gaandi”, wasiirkii hore ee Gaashaandhiga dowladdii KMG ah ee Somalia – Ogaden
- Cabdi Maxamed Tarax, Madaxii Hay’ada Qaxootiga Qaranka dowladii Maxamed Siyaad Barre – Ogaden
- Fiilow Isaaq Ibraahim, Beesha Garre/Digil
- Xubin ka imaaneysa Beesha Coormale
- Xubin kale oo imaaneysa Beesha Mareexaan
- Xubin ka imaaneysa beesha Hawiye (Sheekaal ama Gaaljecel)
- Xubin ka imaaneysa Beelaha Hart
FG: Wadarta Guud waa 8 xubnood: 2 Mareexaan, 2 Kumade, 1 Harti, 1 Digil/Gare, 1 Coormale, 1, Hawiye (Sheekhaal & GaalJecel)
Dowlad Goboleedka Puntland – 11 Xubnood:
- Musharax Madaxweyne Cali Xaaji Warsame, Wasiirkii hore ee Waxbarashada Puntland, ahna Milkiilaha Shirkadda Isgaarsiinta Golis.
- Musharax Madaxweyne C/raxmaan Maxamuud Faroole, Madaxweynihii hore ee Puntland
- Maxamed Cabdi Yuusuf, Xildhibaan dowlada federaalka ah
- C/risaaq Juriile, Xildhibaan dowlada federaalka
- Max’ed Cabdi Xaabsade, Wasiirkii hore ee gudaha Puntland iyo Caafimaadka Somaliland
- Sureer Cabdi Haamaan, Madaxa Haweenka Puntland
- Canab Cilmi, Gudoomiye ku xigeenka ururka haweenka qaranka Somalia
- kuwa kale oo aan weli magacyadooda na soo gaarin
Fiiro Gaar ah: Xogtaani waxaan ka helnay ilo ku dhow Madaxtooyada Jubbaland iyo Puntland, markastana wax ayaa iska bedeli kara Maadaama weli Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe & Madaxweynaha Puntland Gaar ay ku howland yihiin diyaarinta Liiska Xubnaha Aqalka Sare, dib ayaana idin kala socodsiin doonaa waxa ku soo kordha ama iska bedela haddiiba ay jiraan
Idale News Online, Baydhabo, Somalia