Muqdisho(INO)— Ra’iisal wasaaraha dowlada federalka Soomaaliya Cumar Cabdrashiid Cali ayaa gelinkii dambe ee shalay la kulmay safiirka dowlada Maraykanka u qaabilsan dalka Soomaaliya Ambassador Stephen M. Schwartz iyagoo ka wadahadlay doorashooyinka dadban ee Soomaaliya.
Kulankan ayaa la sheegay in safiirka dowlada Maraykanka uu ka codsaday dowlada Soomaaliya in aan markale dib loo dhigin doorashada dadban taasoo hore labo jeer dib u dhac uu ku yimid.
Sidoo kale labada dhinac ayaa waxa ay ka wadahadleen arrimaha ammaanka ee goobaha doorashooyinka ay ka dhacayaan iyo weliba inay doorashada ay u dhacdo si xor ah oo xalaal ah.
Safiirka dalka Maraykanka oo ah safiirkii ugu horeeyay ee rasmi ah oo ay dowlada Maraykanka u soo magacawday Soomaaliya muddo 25 sano ah,dhowaan ayuu safiirkan waxa uu kula kulmay jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Maraykanka Minneapolis.
Sidoo kale safiirka Maraykanka ayaa la sheegay in uu si kala gaar gaar ah ula kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Prof.Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.