Dadka qaba Cudurka Albinos oo Sida Xoolaha loo Ugaarsado Dalka Tanzania

0
660

Daarusalama(INO)-Dad ku nool dalka Tansaaniya oo qaba cudurkala yiraahdo Albinos isla markaana maqaarka iyo timahooduba caddaan yihiin, ayaa sida xayawaanka loo ugaarsadaa oo bulshada ay la nool yihiin ka ganacsadaan, iyagoo rumaysan in jirkoodu barako keenayo, xannuunada qaarna difaac ka yahay.

Tanzania’s albinos stalked by cancer, stigmatization and murder

Waxa ay bulsho badan oo reer Tansaaniya ah aaminsan yihiin in jirka dadka Albino uu dadka u keeno hanti iyo nasiib wanaagsan, sidaa darteed waxa qaarka hore amma dambe qofka keena laga siistaa $3,000 ilaa $4,000 doollar, haddii jirkoo dhammaystiran la keenana waxa lagaga iibsada $75,000 doollar.

Inta badan dadka Albinada waxa loo weeraraa si joogto ah, iyadoo waliba gacmaha iyo lugaha amma halkii laga soo gaaraba faash lagaga goosto, waxaanay taasi keentay in ay inta badan is qariayan.
Xannuunka Albinims waa mid la iska dhaxlo, waxa keena inay jirka qofka ka maqnaato maadada midabka madaw u samaysa ee (Melanin) la yiraahdo, waxana lagu qiyaasaa 1% inay xannuunkan qabaan 1,400 qof ee meel wada jooga dalka Tansaaniya.

Baaritaanno badan oo lagu sameeyey dadka xannuunkan qaba ee la weeraro waxa lagu sheegay in 74 qof la dilay, halka 59 kalena ka badbaadeen weerarro loo gaystay oo xubnahooda lagu goosanayey, xataa marka xabaalaha lagu aaso ayaa laga soo faagaa.

Kiiskii ugu dambeeyey waxa uu ku dhacay gabar yar oo afar jir ah, taasoo bishii December ee sannadkii hore gurigooda laga afduubtay, waxana falkaas loo xiray aabbaheed iyo adeerkeed, kadib markii la waayey, ilaa haddana lama helin.

Idale News Online, Daarusalama, Tanzania.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here