Madaxweyne Shariif Xasan Oo Kormeerey Madaxtooyda Koonfur Galbeed Soomaaliya

0
239

Muqdisho(INO)-Madaxweynaha dowlada koonfur Galbeed soomaaliya iyo qaar ka mid ah gollahiisa wasiirada ayaa maanta kormeer ku tagey madaxtooyada koonfur galbeed soomaaliya.

Shariif xasan sheekh aadan

Madaxweynaha oo sidoo kale hareera socdeen saraakiisha ciidanka iyo kuwa nabad sugid DF soomaaliya ayaa indha indhiyeeyey qiibavaha gadisan ee madaxtooyada, iyadoona burbur xoogan ka muuqdey.

kormeerka ka dib waxaa saxaafada lahaley madaxweynaha KG Soomaaliya isla markaana sheegey in dib loo dayactirayo madaxtooyada, isla markaana waxa uu carabka ku dhaftey in xafiisyada wasaarada dowlada dhawaan la qalabeyn doon, iyadoona taasi dhawan balan qadey mid ka mid ah hay’adaha deeq bixiyaasha caalamiga ah oo la yirahdo SSF.

Madaxweyne shariif xasan sidoo kale waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyey dhismo casriyeysan oo madaxtooyo oo laga dhiso madaxtooyadii hore ee baydhabo.

madaxtooyada Kg

Ugu dambeynii kormeerkan ayaa imaanaya xilli hay’sda UNDP ee soomaaliya isu diyaarineyso in ay mashaariic iyo dhismooyin xumo wasaaradood ka sameynayso baydhabo, sidoo kalena Dowlada Norway ay ka hergalisey magaalada Baydhabo, nalal ku shaqeeya cadceeda, islamarkaana,magaalada laga dareemo jawi deganaansho.

Idale News Online, Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here