Dhawaan ayey aheyd markii warqado lagu amraayo ganacsatada dagmada degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho in aysan wax ka iibin ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa waxaa ay u muuqtaa mid dhaqan gashay degamadaasi, sidaasna waxaa yiri mid ka mid ah dadka deegaan oo la hadlay idaacad maxaliga ah oo ka howlgasha magalada muqdisho.
Dadka deegaanka ayaa cabsi aad u daran ay kala soo gudboonaatey awaamiirkta ay dul dhigeen maleeshiyada xarakada Alshabaab oo marka uu gabal dhaca soo gala degmada waxay doonaan ka sameeyey in ay dhibaato ka soo gaarto haddii u hogaansamin oo aysan xirin dukaamadooda marka ciidamada dowlada wax doonayaan iney ka iibsadaan.
Dhanka kale gudoomiyah dagmada Huriwaa cumar jacfaan ayaa ku booriyay shacabka in aysan u hogaamsanin hadalada ka soo baxay xarakada al shabaab.
Hadalkaan is dhaafsiga ayaa muujinaayo in shacabka ay ku jahwareersan yahiin iyadoona dagmadaasi ay dagaalo ku dhexmaraan xarakada al shabab iyo ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM
Idale News Online, Mogadishu