Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa saxaafadda la hadlay, isagoona ka warbixiyey weerarkii maanta lugu soo qaaday xarunta madaxtooyada Soomaaliya oo u xilligaan ku sugna.
Waxuu sheegay madaxweynuhu in dhallinyaro la soo qalday ay maanta soo weerareen madaxtooyada Soomaaliya islamarkaana ciidamada ammaanka Soomaaliya ay fashiliyeen.
Xassan Sheekh,madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya waxaa uu soo hadal qaaday in weeraradii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho aysan dowladda ka weecin doonin hadafka dowladda Soomaaliya iyo dagaalka lagula jiro Al-shabaab.
Madaxweynaha waxaa uu cambaareeyay weerarka ay Al Shabaab soo qaaden,waxaana uu hay’addaha amniga ku dhiiri geliyay inay sii labo jibaaraan howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, si looga hortaggo dhibaatada ay shacabka ku hayaan cadowga Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa ka digay in kooxda Al-Shabaab ay helaan fursado ay bulshada ku dhibaateyn karaan, isagoo shacabka ka codsaday inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga si loo soo afjaro, dhibaatada ay kooxda ku hayaan bulshada Soomaaliyeed.
Sidoo kale madaxweynaha waxaa uu xusay in dowladda Soomaaliya ay waddo dadaallo dib uga soo kabasho ah muddada labaatankii sano ee dalka dib u dhaca ku yimid, islamarkaana dadaallada dowladdu aysan saameyn ku yeelan doonin weerarada naf lacaariga ah ee ay shabaabku ku gumaadayaan shacabka Soomaaliyeed.
“Ololaha Militeri ee ay wadaan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ka dhanka ah Al-Shabaab waxa uu yahay mid la sii labo jibaarayo si dalka oo dhan looga cirib tiro caddowga umadda Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri madaxweynuhu.
Al-Shabaab ayaa xarunta madaxtooyada ka soo gashay albaab xiga dhanka degmada Boodheere, oo ay ku dhufteen gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kaddibna rag hubeysan ayaa gudaha u galay xarunta, kuwaas oo rasaas furay, waxaana iska caabbiyay ciidamada AMISOM iyo ciidanka dowladda ee ilaalada ka ah xarunta madaxtooyada.
Idale News ONline