Dad rayid ah oo ku geeriyooday qarax miino ka dhacay duleedka Kismaayo

0
191

Kismaayo(INO)— Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in saddex qof ay ku geeriyoodeen qarax miino oo ka dhacay deegaanka Wirkooy oo 40km u jira Kismaayo.

Sida ay sheegayaan wararka miinada ayaa la kacday gaari siday khudaar oo ku soo jeeday magaalada Kismaayo.

Gaarigan ayaa ka yimid dhinaca deegaanada Gosha, waxaana dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay ay ahaayeen dad rayid ah.

Afhayeenka Booliska Maamulka Jubbaland ayaa ku eedeeyay Al-Shabaab inay ka dambeeyeen qarax miino ee ay la kacday gaariga Khudaarka siday.

Deegaanka uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa la sheegay inuu markii hore ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Jubbaland iyo Al-Shabaab