Feysal Cali Waraabe: ” waxaa la doonayaa in Soomaaliya Xariidada Adduunka laga tir tiro”

0
176

Hargeysa  ( INO)-Siyaasiga Feysal Cali Waraabe oo ka mid ah Axsaabta Mucaaradka maamulka Soomaaliland oo u warramayay Warbaahinta ayaa ka hadlay Shirarka Madasha Wadatashiga Hoggaamiyayaasha Qaran ee looga hadlo arrimaha Doorashooyinka Dalka.

Mr Waraabe ayaa hoosta ka xariiqay in Shirarkaasi ay yihiin kuwa ay gadaal ka riixayaan Dad Ajnabi ah isagoo  cod dheer ku sheegay in la doonayo in Soomaaliya Maabka Adduunka laga tiro, waxaana uu u cuskaday fikirkiisa haddii la Maslaxad Soomaaliyeed looga hadlayay Shirarka Madasha Wadatashiga Hoggaamiyayaasha Qaran Soomaalida ayaa la isugu Madax baneyn lahaa sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale mar Feysal Cali Waraabe  wax laga waydiyey waxa uu ka qabo qabsoomida doorashada Madaxtinimo ee Soomaaliya ayuu sheegay in Baarlamamaan iyo hoggaan dowladeed intaba la soo dooranayo balse ay noqonayaan kuwa maqaar saar ah, oo aan lahayn Haybaddii dowladnimo, ee awooda u lahayd qaadista Canshuuraha, xaqiijinta Amniga , Horumarinta iyo adeegyada kale ee dowladi qabato sida uu yiri.

Ugu dambeyntii, Hadalka Siyaasiga Feysal Cali Waraabe ayaa ku soo beegmaya kadib markii shalay Shirkii Madasha Wadatashiga Hoggaamiyayaash Qaran lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Muqdisho, lagana soo saaray War Murtiyeed ay ku mideysan yihiin Masuuliyiintii Shirkaas ka qeyb galay.