Muqdisho(INO)— Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xoojiyay ololaha uu ugu jiro inuu Tartanka Madaxtinimada, isagoo mar kale doonaya inuu ku guuleysto kursiga Madaxweynaha Jamhuuriyada.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muuqaalo video ah oo uu uga hadlayo ololihiisa doorashada soo dhigayay Bartiisa Facebook, iyadoo saacado ka hor la soo dhigay muuqaalkii ugu dambeeyay ee uu ku cadeynayo in aanu aheyn Musharax ay wadato koox gaar ah.
“Doorashada 2016 wado dheer ayay soo martay, anigana muddo dheer ayaa inaan musharax ahay ka soo hadlay, maanatana inaan mar kale ku celiyo ayaa rabaa inaan murashax u ahay kursiga madaxweynaha jamhuuriyada, waxaa rabaa inaa ku daro oo aan dadka Soomaaliyeed u cadeeyo, koox gaar ah murashax uma ihi, beel gaar ah murashax uma ihi, deegaan gaar ah iyo dowlad goboleed gaar murashax uma ihi, waxaa murashax u ahay dhamaan Soomaalida Soomaaliya, dalka iyo dibadiisa ku nool ee ku abtirsada Soomaalinimada, intaas ayaa mas’uuliyada shalay u qaaday, afarta sano ee la soo dhaafay u hayay”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Waxaa uu codsaday in mar kale fursad loo siiyo, isagoo mar kale ka dhawaajiyay hal heyskii uu horay ka dhawaajiyay ee ahaa qabyo ninkeeda dhameystira, oo ugala jeeday wixii qabyo ah uu rabo inuu dhameystirayo hadii uu mar kale guuleysto.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shegay in cadeymo iyo daliil u haayo in afartii sano ee la soo dhaafay u adeegay dadka Soomaaliyeed, sidaas darteedna uu rabo in fursad loo siiyo inuu u adeego umada Soomaaliyeed.
Laakiin dadka dhaliila Siyaasadda Madaxweyne Xasan Sheekh waxay ku doodayaan inuu yahay nin ku xiran koox gaar ah, kuwaasoo la sheego inay cadaawad fara badan u abuureen afarii sano ee uu talada dalka hayay.
Si kastaba ha ahaatee 28-ka bishan ayaa lagu wadaa inay dhacdo doorashada Madaxweynaha, inkastoo shaki laga qabo inay mudadaas ay dib uga dhacdo, isla markaana ay gaarto horaanta bisha Janaayo ee sanadka 2017.
Halkan hoose ka daawo Muuqaalka Madaxweynuhu soo dhigay bartiisa Facebook