Muqdisho(INO)- Waxaa ka socota magaalada Muqdisho qaban qaabadii u dambeysay ee ku aadan furitaanka kalfadhiga 1aad ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya iyo dhaarinta Xildhibaanada cusub, iyadoo shalay ay baaqatay dhaarintii Xildhibaanada.
Diyaar garowga ayaa ah mid heerkiisu aad u sareeyo, iyadoo la xardhay hoolkii uu ka dhici lahaa kalfadhiga u horeeyay ee Baarlamaanka 10aad, waxaana xaflada lagu dhaarinayo xildhibaanada cusub ka qeyb geli doona Madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada oo ku sugan Muqdisho.
Xarunta Ex School Polizio oo sanadkii 2012 ka dhacday doorashada ayaa lagu wadaa inay ka dhacdo xaflada dhaarinta Xildhibaanada cusub, waxaana halkaas laga dareemayaa qaban qaabo aad u xooggan.
Hoolka ayaa waxaa lagu diyaariyay Kutubadii Qur’aanka Kariimka ee lagu dhaarin lahaa Xildhibaanada cusub.
Inkastoo aan la sheegin waqti rasmi ah, hadana waxaa la filayaa inay dhaarinta Xildhibaanada cusub ay dhacdo labada maalmood ee ugu soo horeysa, maadaama aan Xildhibaanada badankood soo wada gaarin Muqdisho.
Guddiga Baarlamaanka ayaa illaa iyo hada diiwaan geliyay in ka badan boqol xildhibaan iyo labaatameeyo Senator-ada ka tirsan Aqalka Sare, iyadoo wali aan la heyn kooram rasmi ah oo lagu fariisin karo Xildhibaanada cusub.
Ammaanka Xarunta Ex School Polizio ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo la xiray dhamaan waddooyinka soo gala, ciidamo kala duwan ayaa la dhigay waddooyinka iyo xaafadaha ku dhow dhow, si ay u xaqiijiyaan ammaanka