Baydhabo(INO) — Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa tiro ka mid ah Suxufiyiinta ka howlgala Gobolka Bay Tababar ugu soo xiray degmada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay, iyadoo Tababarkan uu socday muddo laba Casho ah.
Tababarkan ayaa ku Saabsanaa sida uu Suxufigu uu u Sugi karo Ammaankiisa marka uu ka shaqeynaya meelaha khataruhu ka jiraan; sida ugu Habboon ee loo Tabiyo khilaafyada ama colaadaha iyo sida loo tabiyo maamul-baahinta [Federaaliisim] iyo Maamul-sameynta.
Xoghayaha Guud ee NUSOJ, Maxamed Ibraahim oo Xirtaankii Tababarkan ka hadlay ayaa ku Boorriyay Suxufiyiinta inay Wixii ay barteen ku Dabaqaan Hawl-maalmeedkooda, si ay dhageystayaashooda ugu tabiyaan Warar dhexdhexaad ah oo Sugan.
“Marka hore Waad ku mahadsan tihiin sida aad Waqtigiina u Hurteen labadii maalmood ee aan halkan isla joognay. Marka xigta Waxaan idinka codsanayaa inaad wixii aad halkan ku barateen inaad howlihiinna maalin-laha ah ku dabaqdaan, waayo dhex-dhexaadnimadu waa tan keliya ee hormarin karta Warbaahinta,” ayuu yiri Xoghayaha Guud ee Ururka NUSOJ Maxamed Ibraahim.
Siminaarkan ayaa waxaa Maal-geliyay xafiiska Qaramada Midoobay ee Somalia UNSOM, iyadoo ay fududeysay NUSOJ, waxaana tababarkan uu noqonayaa kii labaad oo lagu qabto Gobollada Dalka, iyadoo horay Tababarkan oo kale ay NUSOJ ugu soo qabatay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.
DHAGEYSO: Hadalladii laga jeediyay Xafladii Xirtaankii Suxufiyiinta ee Baydhabo
Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koonfur-galbeed ee Somalia, Ugaas Xasan oo isaguna ka hadlay Xiritaanka Siminnaarkan ayaa sheegay inuu u Mahad-celinayo cid walba ka Qayb-qaadatay inuu Hirgalo Tababarkan.
“Runtii Waxaan doonayaa inaan halkan uga mahadceliyo UNSOM iyo NUSOJ oo iyagu si Wadajir ah uga Qayb-qaatay Hir-gelinta Tababarkan ay Wariyeyaasha Gobolkan Bay ugu Qabtaan Baydhabo. Waayo Suuxfiyiintan muddo dheer ayay kusoo shaqeynayeen duruufo adag, iyagoo aan u helin fursad inay tagaan meelaha ay ka jirto Nabadda oo ay Danahooda kasoo Qabsadaan,” ayuu Wasiirka Warfaafintu ka yiri Xafladdii Xirtaanka Tababarka.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa Xusay in NUSOJ uu ku Ammaanayo inay u mar walba u Taagan tahay inay difaacdo Xuquuqda Suxufiyiinta Soomaaliyeed; isla markaana ay wax u qabato, iyadoo Codkooda gaarsiisa meel dheer. Wuxuuna Wasiirku intaas ku daray in NUSOJ iyo Maamulkooda uu ka dhexeeyo xiriir wanaagsan oo dhinaca wada-shaqeynta ah.
Ugu dambeyn, Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koonfur-Galbeed ayaa kula Dar-daarmay Wariyeyaashii tababarka loosoo xirayay inay tabiyaan warar la hubiyay oo lagu kalsoonaan karo, ayna u Hiilliyaan Shacabka iyo Dowladda. Isagoo xusay inuu la socdo in suxufiyiintu ay ku shaqeeyaan xaalad aad u adag, ayna midaas kala mid yihiin Shacabka Soomaaliyeed intiisa kale.
Si kasta ha ahaatee, Wariyeyaashii tababarkan ka Qayb-galay ayaa waxaa mid walba oo ka mid ah la guddoonsiiyay Shahaado caddeynaysa inuu Tababarkan ka Qayb-galay, waxaana Wariyeyaashan ay isugu jireen Wiilal iyo Gadho da’yar ah.
Idale News Online, Baydhabo