AMISOM “Waxaan dilnay 98 ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabaab”

0
253

Muqdisho(INO)— Taliyaha qeybta afaraad ee Ciidamada AMISOM Col. C/raxmaan Dhimbis ayaa sheegay in howl galada ay ka wadeen Gobolka Hiiraan ay ku dileen illaa 98 ka tirsan dagaalyahanada Shabaab.

Taliyaha ayaa sheegay in howl galka ay ka wadaan gobolka ay kula wareegeen deegaano dhowr ah oo ay ka mid yihiin Buq-Aqable, Halgan, Moqokori iyo deegaano kale oo dagaalyahanada Shabaab ku sugnaayeen

“Inta badan howl galada waxaa ay ka socdeen deegaanada Ceel-Idaad, Buq-Goosaar, ceel cali, dhamaan meelahaas waa laga saaray Shabaab, waxaa uga dilnay 98 dagaalyahano, duqeymo diyaaradeed waxaa looga gubay lix gaadiid”ayuu yiri Col. C/raxmaan Dhimbil.

Sidoo kale waxaa uu xusay in howl gallada ay labo jiho ka socdaan oo ah dhinaca Galgaduud iyo Hiiraan, waxaana uu tilmaamay in Al-Shabaab ay haatan isku uruursadeen Galhareeri iyo Xararhdeere.

Ciidamada dowladda iyo AMISOM ayaa wali isku dayaya inay isku furaan wadada isku xirta Beledweyn iyo Buulo Burde, oo muddo go’doon ku jirtay, waxaana muuqata in wali ay ciidamada isbaheysanaya xal u heli la’yihiin go’doonka ay degmooyinka qaar ku jiraan.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan sheegashada Sarkaalkan, iyadoo Shabaabka mudooyinkii u dambeeyay ay luminayeen deegaano dhowr ah oo dhaca Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here