Muqdisho(INO)-Waxaa Hotelka Wardheere ee Magaalada Muqdisho lagu qabtey Kulan balaaran oo si Wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Ururka Horumarinta Sportiga Dhalinyrada Soomaaliyed(Somali Sports Youth Developments Organization) (SSYDO) iyo Somali-Swedish Friendship Organization).
Waxaana uu u jeedkiisu ahaa Wacyigelinta iyo Horumarinta Dhalinyarada Soomaaliyeed, waxaana ka qayb galey Qaybaha Hay’adaha qaabilsan Dhalinyarada, kuwa Xaquuqul Insaanka, Ururada Cayaaraha iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada
Guddoomiyaha Ururka Horumarinta Dhalinyrada Sportiga Soomaaliyed (Somali Sports Youth Developments Organization) (SSYDO) oo ugu horeyntii halkaasi ka jeediyay khudbad kooban ayaa sheegay in kulamada noocaan ah ay yihiin kuwo lagu dhiirigelinayo in bulshada qeybaheeda kala duwan ay ka qayb qaataan sidii Dhalinyarada loogu Jiheyn lahaa sdii dalkooda u Hormarin lahayeen
“Ururka Horumarinta Dhalinyarada Sportiga Soomaaliyed (Somali Sports Developments Organization) (SSYDO) waxay in badan isku howshay sidii Dhalinyarada Soomaaliyeed doorkooda uga qaadan lahaayeen nabadda Dib u heshiisiinta iyo sidii Dhalinyarada loogu abuuri lahaa Shaqooyin si ay uga maarmaan Tahriibka iyo wixii la mid ah” ayuu yiri Mudane Abuukar oo sheegey in kulamada noocaan oo kale ay ay joogteyn doonaan si loo helo Dhalinyaro isku duubaan oo dalkooda wax u tara
Xubnihii kale ee ka Hadley Kulankaas waxaa ka mid ahaa Gudoomiyaha Hayada Xaquuqda Aadanaha Wanle Weyne Ing Siidow Xasan Mahdi oo Mahadcelin ka dib waxaa uu u soo jeediyey Ururka in sii Laba Jibaaraan Wacyigelinta iyo Horumarinta Dhalinyarada Soomaaliyeed si Dhalinyarada uga Maaranto Qabiilka,Tahriibka, iyo Waxyaabaha Xun xun sida Maandooriyayasha .
Eng Maxamed Xasan Aayow oo ka mid ah Saraakiisha Hayada Xaquuqda aadanaha ee Khaliif Huudow (Kahro) ayaa u mahadceliyey intii soo qaban qaabisey kulankaan oo ay ugu horeeyaan Ururka Horumarinta Sportiga Dhalinyrada Soomaaliyed (Somali Sports Youth Developments Organization) (SSYDO) iyo Somali-Swedish Friendship Organization waxaa uu sheegey in Kulmada Noocaan oo kale ay qayb ka qaadanayaan Horumarinta Dhalinyrada Soomaaliyeed gaar ahaan Waxbarashada, Ciyaaraha iyo Shaqo abuuris loo sameeyo Dhalinyrada ,wuxuuna ugu baaqey Masuuliyiinta Ururka in Dadaalkooda ka Mira dhaliyaan .
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Waxaan u mahad celinayaa Idalenews online oo ah webka kaliya igula muuqda in uu dhex dehaax ka yahay waxyaabaha dalka ka jiro dadkana u horseeda wanaaga iyo wax kasta oo horumar ku jiro sidaasi oo kale ayaa masuumka wanaagsa ah waxaan leeyahay ha jireen ha joogeen waayo wey igu weyn yihiin si Soomalinimo
Waad mahadsan tahay,Abuukar.