Baydhabo(INO)- Kulanka looga tashanayey doorashooyinka Soomaaliya ee 2016 oo ka dhacay maanta magaalada Baydhabo ayaa waxaa si wadajir ah usoo qaba qaabiyey machadka doorashooyinka hanaanka dimuquraadiyada Afrika EISA ¡yo waliba ha’ada wadahadalka iyo dib u heshiisiinta CRD.
Waxaana looga gol lahaa ogaashada aragtida dadweynaha ee ku aadan sida uga haboon ee ay dalka uga hirgali karaan doorashooyin xor ah 2016 oo wakhti kooban ay naga xigto.
Kulanka oo ahaa mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeybgalay wasiiro ka
tirsan dowlada KG Soomaaliya, wakiilada hay’adaha CRD ¡yo EISA oo iyagu soo qaban qaabiyey kulanka, aqoonyahano, waxgarad, odayaal dhaqameedyo, arday wax kabarata jaamacadaha magaalada Baydhabo ¡yo waliba ururada bulsaha gobalada Bay. Bakool ¡yo Shabeelada hoose.
Ugu horeyntii waxaa madasha ka hadlay C/laahi xaaji xasan oo ah wakiilka hay’ada CRD ee gobalada Bay, Bakool iyo Shabeelada hoose ¡yo mid kamid ah masuuliyiinta ha/ada EISA waxaana si wadajir ah ay u faah faahiyeen ujeedlca kulanka.
Wasiir kuxigeenada wasaaradaha dib uheshisiinta, warfaafmnta ¡yo waliba haweenka oo ¡yaguna
madasha ka hadlay ayaa ku dhiirigaliyey kasoo qaybgalayaasha kulanka in ay fikradooda ka
dhiibtaan sida ugu haboon ee dalle Soomaaliya aydoorasho uga dhicì karto 2016.
Ugu dambeyntii, Xubnihii kasoo qaybgalay kulankan ayaa waxa ay aad uga hadleen islamarkaana is dhaafsadeen qaabka loo dooranayo xubnaha kamid noqonaya Baarlamaanka 2016 ¡yagoo ugu danbeyntii isku raacay in Xubnaha Baarlamaanka lagusoo doorto beel islamarkaana tiro cayiman oo beeshiiba ah soo doorato xubinta kamid noqoneysa Baarlamaanka., Sidookale waxay aad u diidanaayeen in baarlamaanlca uu 500 xulo oday keliya taas oo ay ku tilmaameen musuqmaasuq ¡vn radaalad darn.
Idale News Online, Baydhabo