Daawo: Gallaha Badbaada Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo Maanta Lagu Daah Furey Magaalada Baydhabo

0
201

Baydhabo(INO)- Waxa maanta Magaalda Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay lagu daah furey Gollaha Badbaada Koonfur Galbeed Soomaaliya ( SWSC), isla markaana waxaa Furitaanka  lagu Furey Aaayado Quraaanka Kariimka ah.

Gollah Barbaada

Shirka Gollaha oo  lagu qabtay Xarunta Tanaad ee magaalada Baydhabo ayna ka soo qeybgaleen Waxgaradka Magaalada iyo qaar ka mid ah Qurbo Joogata KG Soomaaliya Ee Ku Sugana Baydhabo iyo qeybaha bulshada ee kala ah : siyaasiyiin, aqoonyahan, culumaa,udiin, ganacsato, odayaaldhaqameed iyo dhalinyaro.

Prof.  Idiris Cabdi Takhtar ayaa Sharxay Ujeeda Loo dhisey Gollaha Badbaadada Konnfur Galbeed Soomaaliya waxana uu  sheegey in ay tahay in labadbaadiyo Shacabka Koonfur galbeed iyadoo lagu jiro xaalad aad u adag loona baahan yahay sidii waxqabad lataaban karo dhinaca waxbarashada , Caafimaadka iyo sidiii loo heli lahaa Biyo nadiif ah.

Ugu dambeyntii, Xaflada ayaa Waxa kale laga aqriyey war saxaafadeed  ku saabsanaa ku dhawaaqista Gollaha Badbaadada Koonfur Galbeed Soomaaliya Gollaha Badbaada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Halkan Ka Daawo

 

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here