Daawo:Sacuudiga oo weli duqeymo culus ka geysanaaya dalka Yemen

0
270

Sanca(INO)-Dalalka isbaheysiga ee Sacuudigu uu horkacayo, ayaa waxay duqeymo culus ka wadaan Koonfurta iyo Waqooyiga Yemen, iyagoona doonaya inay wiiqaan awoodda Jabhadda Shiicada Xuuthiyiinta Yemen.

Duqeymahan, ayaa bilowday daba yaaqada bishii hore ee March, markii Xuuthiyiinta ay xagga cirka ka duqeeyen Madaxtooyada Magaalada Cadan, xilli uu si ku meel gaark ah uu u degay Madaxweynaha Yemen Abd Rabbuh Mansur Hadi.

Wadamada Bariga Dhexe, ayaa duqeymaha ay ka wadaan dalkaasi waxay sababayan burbur, barakac iyo khasaaro muuqdo oo ka soo gaaraya shacabka reer Yemen. Dadka reer Yemen waxay wajahayan marxalado ku cusub.

Magaalooyinka Sanca iyo Cadan, ayaa waxaa ka soconaya barakacii ugu ballaarnaa, iyadoo dadka qaarkood ay Warbaahinta u sheegeen inaanay aqoonba halka ay ku wajahan yihiin.

Hogaamiyaha ruuxiga ee dalka Iran Ayatollah Ali Khamenei, ayaa duqeymaha Sacuudigu uu ka wada dalka Yemen la barbardhigay xasuuqii uu Maamulka Yahuuda, uu sanadkii hore ka geystay Magaalada Gaza ee dhulka Falastiin.

Xoghayaha Guud Mareykanka John Kerry, ayaa waxa uu Dowladda Iran uu kaga digay inay joojiso taageerada ay siineyso Xuuthiyiinta, xilli Iran ay laba ka mid ah maraakiibteeda dagaalka u soo dirtay Xeebaha Yemen.

Inkastoo Wadamada Carbeed ay taageersan yihiin in hawada laga duqeeyo Xuuthiyiinta, ayaa waxaa hadana muuqata inaanan wax horumar ah laga gaareen, bacdamaa ay Xuuthiyiintu ku fidayan dhulka hor leh.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobe Ban Ki-moon oo Khamiistii Warbaahinta la hadlay, ayaa waxa uu ku baaqay in dhinacyada isku haaya dalka Yemen, ay miiska wada hadalada ku soo laabtan.

Xoghayaha, ayaa ka digay in dagaalka dalka Yemen uu noqdo mid sii daba dheeraada, misena aan waxba laga qaban karin, wuxuuna Dowladda Yemen iyo Xoogaga Xuuthiyiinta uu ugu yeeray inay ka hada hadlaan mustaqbalka dalkaasi.

YemenYemen1Yemen2Yemen3Yemen4Yemen5Yemen6Yemen7Yemen8 Yemen9Yemen10Yemen11 Yemen12Yemen13 Mideast YemenThe Week In Mideast PhotosIdale News Online, Sanca

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here