Daawo:Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Shaki Galiyay in Dalka Doorasho ka Dhacdo 2016

0
197

Muqdisho (INO) — Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta Khudbaddiisa Dastuuriga ah ka Hor jeedinayay Xildhibaanadda Baarlamaanka, ayaa waxaa uu kaga Hadlay Arimaha Doorashooyinka Ee Lagu Haminaayo in Ay Dalka ka Dhacdo Sanadka 2016.

Teaser Image MD Xasan Sheekh oo Shaki Galiyay in Dalka Doorasho ka Dhacdo 2016 {Dhageyso}

Isagoo ka hadlayay Furitaanka Fadhiga 6-aad, ee Baarlamaanka ayaa Madaxweyne Xasan shiikh Maxamuud  waxuu Carabka ku Adkeeyay in ay Jiraan dad Shaki Galinaayo in Doorashadaasi dalka ka Dhacdo Asigana uu qeyb ka yahay.

Waxaa uu Xusay in loo Baahan yahay tallo Bixin iyo Gorfeeyn Baaxad leh Si Markaasi loo Kala saaro in dalka Doorasho ka Dhici karto iyo In kale.

Madaxweyne  Xasan ayaa hoosta ka xariiqay in haddii ay Doorasho Qof & Cod dhici wayso 2016, aysan dhici doonin in Odayaal ay soo doortaan Xildhibaanada kadibna ay dhisaan Dowladda, sida tan hadda isaga uu Madaxda ka yahay lagu doo doortay 2012-kii.

Madaxweynaha  ayaa waxaa uu Sidoo kale Sheegay in ayna Jirin Shaqsi Soomaali ah oo Hubanti  ay u Tahay in Dalka Doorasho ka Dhacdo Sanadka  Soo Socda Taasi oo Noqoneeyso Mid Cod Dadweyne ah.

Xasan Shiikh Maxamuud ayaa waxaa uu Sidoo kale sheegay in Dowladii Ka horeeysay ay Dalka ka Saartay Mar Xaladdii ku Meel gaarka aheed Dowladdiisana Looga Baahan yahay in ay Doorasho Xalal ah Dalka Gaarsiiso.

Dalka Soomaaliya ayaa Waxaa la Qorsheeynayaa in ay ka dhacdo Doorasho Cod dadweyne ah Sanadka Soo Socda, balse wali waxaa jira Caqabado badan oo amniga ugu horeeya.

Idale News  Online , Muqdisho

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here