Daawo:Madaxweynaha oo maanta dhir ku beeray Taalada Daljirka Dahson ee Magaalada Muqdisho

0
202

Muqdisho(INO)-Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta daah furay toddobadka dhir beerista Qaranka oo lagu qabtey Magaalada Muqdisho.

Munaasabaddan oo loogu diyaar-garoobayo maalinta dhirta oo ku beegan 17-ka April, ayaa Madaxweynaha waxaa uu Taalada Daljirka Daahsoon ku beeray geed dhireed, isagoo isla markaana halkaasi khudbad kooban u jeediyey ururrada bulshada, ardeyda iyo dadweyne fara badan oo halkaa isugu yimid.

‘’Dhirtu waxay muhiim u tahay nolosha aadamiga, xoolaha iyo in degaanka la dhowro. Waxaa dowladdu ay waddaa barnaamij ballaaran oo degaanka wax looga qabanayo, kaas oo aan ka duwaneyn barnaamijyada dib u dhiska dalka’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa ku booriyay shacabka in munaasabaddan awgeed ay geedo badan beeraan, iyagoo ka fekeraya mustaqbalka jiilka soo socda ee Soomaaliyeed.

MunaabaddU waxaa kale oo ka soo qaybgalAy xubno ka tirsan Labada Gole ee Dowladda iyo qaybo ka mid ah bulshada ku nool Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

DhirDhir1Dhir2Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here