Hargeysa(INO)-Isbahaysiga Xisbiyada Mucaaradka Somaliland Ee Waddani iyo Ucid ayaa soo saaray qodobo ay kaga talo bixinayaan waxa uga qorshaysan dib u dhaca doorashada Somaliland ku yimid, kadib go’aankii Guddida doorashadu ku sheegtay inay bisha July bilaabi doonaan diwaangalinta codbixiyeyaasha. Kulan ay ku yeesheen Hotelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, ayaa saddexda dhinac saxaafadda ugu soo bandhigeen qodobo u badan baaq oo ku wajahan Qorshahooda Dib u dhaca doorashada.
Mucaaradka ayaa ugu horeyn ka sheekeeyey in xilliga la doonaayey in ay doorashadu dhacdo ay ahayd 26 Juun 2015, si ula kac ahna Xukuumadda Siilaanyo ay ka gaabisey qabsoomidda doorashooyinka kadib markii wax kasta oo ku xirnaa ay horey u samayn weydey, sidaas darteedna ka hor inta aan xilligii la doortey ka dhamaan Madaxweyne Siilaanyo la isugu yimaado shir Mucaaradka iyo Xukuumadda ah si loo dhiso xukuumad dalka gaarsiisa doorashooyin. Mucaaradka ayaa ka digey in Golaha Guurtida ama aqalka sare ee Somaliland ay isku dayaan in ay xilka u kordhiyaan Siilaanyo taas oo ay sheegeen in ay horseedeyso fawdo dalku galo.
Sidoo kale waxay ka digeen Ol-ole Xisbiga Kulmiye wado oo lagu taageerayo Xukuumadda, waxaana Mucaaradku sheegeen haddii la sameeyo in ay iyaguna shacabka ugu baaqayaan in ay dariiqyada u soo baxaan.
Bishii Agust 2014, ayaa sidaan oo kale mcuaaradku ku baaqeen in Dowlad kumeel gaar ah la sameeyo marka la gaaro xiligii Siilaanyo la doortey Doorashana qabsoomi weydo.
Idale News Online, Hargeysa.