Washington(INO)-Xoghayihii hore ee Arimaha Dibada dalka Mareykanka Hillary Clinton, ayaa difaacday adeegsiga Email-keeda gaarka ah xilligii ay heysay xilkaan, xilli la doonaayay inay isticmaasho Email-ka Dowladda.
Hillary Clinton oo ka jawaabeysay warbixin uu qoray Wargeyska The New York Times, ayaa waxa ay sheegtay inay isticmaashay hal Email oo keeda gaarka ah, balse aysan isticmaalin labo Email.
Clinton ayaa sheegtay Talaadadii shalay inay isticmaashay hal email oo kaliya, maadaama aysan dooneyn inay qaadato laba aalad oo kala duwan xilligaa.
Waxey sheegtay in iyada ay u fududaan laheyd inay laba Email adeegsato, laakiin ay dhowreysay sharciyada Wasaaradda Arimaha Dibadda ee dalka Mareykanka.
Dadka Siyaasada Odorosa ee Mareykanka, ayaa sheegaya in sababta Clinton ay u isticmaashay Emailkeeda gaarka ah ay aheyd inay qarinaysay warbixino la xiriira weerarkii lagu qaaday Safaarada Mareykanka ee Magaalada Benghazi ee dalka Libya.
Hillary Clinton, ayaa xilligii ay haysay xilka Wasaarada Arimaha dibada Mareykanka waxa ay warbixino gaar ah ka diri jirtay Email-keeda gaarka ah, xilli la rabay inay isticmaasho Emailka Dowladda.
Idale News Online, Washington.