Wanlaweyn (INO) — Kooxda Al shabaab ayaa Xalay Weerar qorsheysan kula wareegtay Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Wararka Radio Idale iyo Idale News Online, ay heshay ayaa sheegaya in Maleeshiyaad kasoo baxay dhanka Deegaanka Tooratorow oo Shalay Duqeyn ka dhacday ay Xalay Gudaha u galeen Degmada Wanlweyn, oo Dagaal kadib u suura gashay inay si kooban u qabsadaan.
Mudadii ay Maleeshiyaadka Al shabaab ku sugnaayeen Wanlaweyn, ayaa waxay galeen Saldhig Booliska iyo Xarunta Maamulka Degmada, oo ay kasoo qateen Hub iyo Labo Gaari oo mid kamid ah uu leeyahay Gudoomiyaha Degmadaasi.
Markii ay tageen Saldhig Booliska waxay Dileen oo Qori AK-47 ah ka qaateen Askari halkaasi ilaalo ka ahaan, iyagoo sidoo kale Xabsiga kasii daayay Maxaabiis badan oo Denbiyo kala duwan u xirnaa.
Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose C/qaadir Siidii ayaa ku eedeeyey Al shabaab inay Bililiqo u geesteen Goobo Ganacsi iyo Guryo ay Dad Shacab ah leeyihiin.
Wuxuu sheegay in markii danbe oo ay Al shabaab isaga baxeen Degmada ay Ciidanka Dowladda dib ugu laabteen.
Idale News Online – Xafiiska Muqdisho