Tahran(INO)— Dowladda Iiraan ayaa xirtay 10 ka mid ah ciidamada Badda Mareykanka oo watay labo doontood, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Gaashaandhiga Mareykanka.
Iiraan ayaa sheegtay in doomahan ay ku soo xadgudbeen baddooda, waxaana ay ka yimaadeen Kuwait, iyagoo ku sii jeeday Baxreyn, halkaasoo Mareykanka saldhig ku leeyahay.
Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa sheegtay inay rajjo ka qabaan in Iiraan ay sii deyn doonto ciidamadooda.
Dadka la qabtay ayaa ah sagaal rag ah iyo qof dumar ah oo ka mid ahaa Ciidamada Badda Mareykanka, waxaana gacanta ku haya Ciidamada Ilaalada Badda.
Labadan Doonyood ayaa la sheegay inay lumeen, isla markaana ay galeen dhinaca biyaha Iiraan talaadadii shalay.
Idale News Online, Tahran