Munchen(INO)- Midowga Jaaliyadaha Jarmalka, Sweden & Denmar, War Saxaafadeed Jaaliyadaha KGS, Jarmalka, Sweden & Denmark
Ujeedo: Xalka Dhismaha Dowladd Soomaaliyeed iyo Nabadgalyo ee Dalka Soomaaliya
Shir deg deg ah ay shalay 11 January 2016 ay isugu yimaadeen xubno ka tirsan Midowga Jaaliyadaha KGS ee Jarmalka, Sweden iyo Danmarka oo ka dhacay magaalada Munchen ee dalka jarmalka oo lagu lafaguray xaaladda siyaasadeed ee hadda ka jirta dalka Soomaliya iyo qaabka ama nidaamka ugu haboon ee lagu dhisaayo Jamhuriyadda Sedexadaa ee Dalka Somalia ayaa waxa ka soo baxay qodobdan hoos ku qoran.
Halkan Ka Daawo
Shirka waxaa lagu taageeray Maamul goboleedka cusub ee Jubba Ganaane State ee taariikhda markay ahayd 09 Janaayo 2016, loogu dhawaaqay magaalada Muqdishu, kaas oo loo arkey inuu yahahay maamul xaq ah oo ay doorteen dadka deegaanka. Sidaas darteed waxa midowga jaaliyadaha KGS ee Jarmalka, Sweden iyo Denmark ay ugu baaqayaan dhammaan dadka ka soo jeeda deegaanada Ganaane State in ay taageeraan maamulkaaas sidii uu lugahiiisa ugu istaagi lahaa waqtiga dhow.
Halkan Ka Dhageyso
In marxalladda xasaasiga ee dalka Soomaliya oo ay maanta ka jirto, gaar ahaan dhinaca nabadgalyada qeybo badan oo ka tirsan Koonfurta Soomaaliya aysan weli suurto gal ahayn in la qabto doorasho ama la sameeyo tiro koob sax ah deegaanadaas. Sidaas darteed Midowga Jaaliyadaha KGS ee Jarmalka, Sweden iyo Danmark waxaa ay taageereeyaan in dowladda lagu dhiso nidaaamka ah 4.5 ama 5.0, inta laga gaarayo jawi saamaxaayo in lag gudbo nidaamkaan.
in deegaano badan oo ay degenyihiin dadka ka soo jeeda labada webi, gaar ahaan koonfurta Soomaaliya aysan si buuxdo gacanta ugu jiran dadka deeganada u dhashay, isla markaasna qaar ka mid ah ay deegaanadaas gacanta ugu jiraan kooxo hubeysan iyo qabaailo oo iyaga ku amar ku taagleeya maamulada deeganadaas si cadaaladda ka baxasan.
In qaabka ah in deegaan ama degmo wax lagu soo xulo in ay keeni deeno sad bursi iyo cadaalad daro ka weyn midda hadda ka jirto goobo badan oo ka tirsan koonfurta Soomaaliya.
In loo baahanyahay in Xafiiska Siyaasadda ee UN ee dalka Soomaaliya, uu si taxadir leh u qiimeeyo xaaladda siyaasadeed iyo mid bulsho ee ka jirta koonfurta dalka Soomaaliya.
Deegaano badan oo ka jira koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa adag in la isku dhex socso weliba qaar ka mid ah waxaa saaran cuno qabateyn ba’an oo dhinaa kasto ah, oo ay ku jiraaan macluul baahsan, maciishadii oo qaali noqotay isla markaasna ay tahay wax ayaan daro ah in haddana loogu daro caddaalad darro dadkaas dhibaateysan oo dowladda Federalka iyo xafiiska siyaasada ee Soomaaliya UNSOM ay san wax ka qabanin arimahaas baahsan, iskana indha tireen.
Sidaa darteed waxaa seddexda jaaliyadood ay ku bixinaysaa talo arimaha soo socda:
In marka la gaarayo jawi saamaxaayo in la helo tiro koobka saxda ee dadka iyo habeynta sharciyada xisbiyada in dalka lagu maamulo nidaamkii hore ee 4.5, ama 5.0
Midowga Jaaliyadaha KGS ee Jarmalka, Sweden iyo Demark, waxa uu aaminsanyahay in dadka dega labada webe dhexdooda ee Somaliya ay tiro ahaan ka badanyihiin 40%, tirada dadka Somaliya. Taas oo ay ku kalsoon yihiin in la sameeyo tiro koob sax ah, iyo doorashooyin dhab ah.
In taageero buuuxda la siiyo dadka degen koonfurta Somaliya, gaar ahaan labada webi si ay u helaan awood ay ku maamulaan deegaanadooda si buuxda, lana helo maamul wanaag buuxo oo ku dhisan cadaalad iyo isla xisaabtan rasmi ah,
In la seemeeyo gudi heer caalami oo ururiya dhacdooyinka xadgudubyada xaquuqda baniaadamka ee Soomaaliya iyo dhibatooyinka hortaagan in la seemeeyo maamul wanaag. Isla Marokkaans talaabooyin ku haboon laga qaado shaqsiyaadka ku tagri fala hantida dadweynaha.
In la abuuro jawi saamaxaayo in la sameeyo tirakooob sax ah, kaas oo oo ay ka qeybqaataan dhammaan ururada dowliga, maamul goboleedyada iyo hayadaha arimaha bulshada ee ka jira dalka.i
In dowladda Federalka iyo Dowlaad Goboleedka KGS in ay wax ka qabtaan dhibaatooyinka isbaarooyinka iyo dhaca hantia dadweynaha ee ka taagan meelo badan oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.
Gebagabdii Midowga Jaaliyadaha KGS ee Jarmalka, Sweden iyo Danmark, waxa ay ka digayaan in Shirka Kismaayo in aan lagu dhisin nimaam ka duwan kii hore ee 4.5, ama 5.0 taas oo keeni doonto bur bur iyo khilaaf hor le in ay ku dhaco dalka Somalaliya, gaar ahaan dadka dega labada webi ama koonfuruta Somaliya.
Mahadsanidiin.
War Saxaafadeedka Waxaa ansixiyay:
Hassan Idris – Jaaliyadda KGS ee Jarmalka
Abdulkadir Abukar Sheikh – Dallada KGS Sweden
Ahmed Madey Isaak. Jaaliyadda KGS ee Danmark.
11 Janaayo 2016
Idale News Online, Munchen, Jarmalka.