Ankara(INO)-Xoogag hubeysan, ayaa soo weeraray Tahir Elci oo ahaa Garyaqaan u dhashay dalka Turkiga, si weyna looga garanaayay dalkaasi, iyadoo illaa iyo hadda aan la’aqoon cidda dhabta ihi ee dishay.
Garyaqaanka, ayaa Sabtidii lagu dilay Degmada Sur Ee Magaalada Diyarbakir, xilli uu Saxaafadda uu si toos ah uu ula hadlaayay, iyadoona rasaas lagu soo furay ay madaxa ka haleeshay.
Ciidan dhar-cad ah oo ilaalo u ahaa ninkaasi, ayaa iska caabin ku wajahay kuwii rasaasta ku soo furay. Mid ka mid ah ilaaladii Garyaqaanka ayaa goobtaasi ku geeriyooday. Ma cadda khasaaraha gaaray kuwii weerarka soo qaaday.
Idale News Online, Ankara